Dad ku dhintay, kuna dhaawacmay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka sagaal kale ay ku dhaawacmeen, kadib howlgal qorsheysan oo habeenimadii xalay ay fuliyeen ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Bangarofta, kuwaas oo ah ciidamo uu tababaray Mareykanka, sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah.

 

Dadka deegaanka Daniga Balow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in howlgalka uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana uu argagax ku reebay shacabka deegaanka.

“Ciidanku waxay soo galeen deegaanka xilli habeen ah, waxaana xigay rasaas xooggan oo ka dhacday gudaha tuulada,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in deegaanka Daniga Balow uusan hoos iman maamulka Hirshabelle, isla markaana aanay jirin cid maamul rasmi ah oo halkaas ka jirta, taasoo adkaysay in si madax bannaan loo hubiyo tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Idaacadda Shabelle oo isku dayday inay la xiriirto maamulka degmada Balcad si ay faahfaahin uga hesho howlgalka, ma aysan suurto gelin in ay qadka taleefanka ku helaan mas’uuliyiinta deegaanka.

Ilo amni ayaa sheegay in howlgalka uu la xiriiray raadraac lagu hayo xubno looga shakisan yahay ururka Al-Shabaab, balse weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ama wasaaradda difaaca ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here