Dagaal beeleed khasaare gaystay oo xalay ka dhacay duleedka Wanlawayn

0

WANLAWAYN (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed khasaare gaystay xalay ka dhacay duleedka degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaaalamay deegaanka Dacarta oo hoostaga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii xalay uu sababay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay 4 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, waxaana weli si horfadhiya maleeshiyaadka dagaalamay, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here