BALCAD (SMN) – Dagaal qaraar ayaa saaka aroortii ka dhacay deegaanka Xawaadley oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo bilowday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerarreen saldhigyo ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in muddaba ay maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayeen.
Warbaahinta Codka Ciidamada ayaa sheegtay in koox ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen in ay soo weerarraan deegaanka Xawaadley balse la fashiliyay weerarkooda, halkaasna looga dilay 18 dagaalame.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in xubno kuwooda ah ay weerarreen aaggaga ciidamada dowladdu ka joogaan deegaanka Xawaadley, isla markaana ay cagta mariyeen dhammaan saldhigyadaasi. Al-Shabaab waxay sheegeen in ay halkaas ku dileen 21 askari.
Ma jiro war badaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac ee ah in midba midka kale uu ka dilay askar fara badan.
Dadka deegaanka ayaa aad uga fogaaday halka dhinacyadu isku fara saareen, taas oo adkeysay in xog sax ah laga helo inta uu la egyahay khasaaraha labada dhinac.
Weerarrada Al-Shabaab ayaa ku soo laalaabbtay deegaanka Xawaadley tan iyo markii iyaga laga saaray dhawr sano kahor.