Dagaal culus oo ka dhacay Duleedka Baydhabo

0

Baydhabo, 22 Juunyo 2025 — Wararka laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeyey ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) iyo kooxda Al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa socday muddo saacado ah, waxaana lagu dagaallamay deegaanka Daynuunay iyo Burjeed, oo ku yaalla duleedka Baydhabo, halkaas oo Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada KGS ay horey uga joogeen.

Ciidamada KGS iyo kuwa dowladda federaalka ayaa si adag uga jawaabay weerarka, iyaga oo ku guuleystay inay jab xooggan gaarsiiyaan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid hub iyo madaafiic culus lagu adeegsanayey ayaa sababay khasaare xooggan oo soo gaaray maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidamada ayaa sheegay in badankood lagu dilay goobta, halka kuwa kale ay baacsanayaan.

Madaafiicda la iska adeegsaday ayaa ku dhacaysay meelo ka baxsan goobta dagaalka, taasoo keentay cabsi xooggan oo ka taagan xaafadaha Baydhabo. Xaaladda guud ee magaalada ayaa hadda la sheegay inay deggan tahay kadib markii ciidamada ammaanka ay xakameeyeen goobaha dagaalka.

Difaaca Baydhabo ayaa la sheegay inuu yahay mid adag, iyadoo ciidamada Itoobiya ee ku sugan saldhigyada milatari ee gobolka Bay iyo Bakool ay si weyn uga taageeraan ciidamada KGS, gaar ahaan dhinaca tababar iyo qalabeen.

Inkastoo aysan wali si rasmi ah loo caddeyn heerka saameynta ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin dagaalka, haddana waxaa la arkay in ay kaalin muuqata ka qaataan sugidda amniga deegaanada.

Dagaalkan ayaa yimid kadib weerar qorsheysan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Burjeed, oo dhowr iyo toban kiiloomitir bari kaga beegan Baydhabo, halkaas oo ciidamadu ay horey uga jireen.

Saraakiisha KGS ayaa u mahadceliyey ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka oo muujiyey geesinimo iyo xirfad ciidan oo sareysa, taasoo suurtagelisay in laga hortago weerarka Al-Shabaab iyo in la sugo ammaanka magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here