CEEL HAREERI, HIIRAAN – Dagaal culus oo u dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka (Macawiisleyda) oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa saaka ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dhawaan ay la wareegeen kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay qaaday weerar dhowr jiho ah oo ay ku beegsadeen fariisimihii ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd duleedka deegaanka Ceel Hareeri, oo hoos taga degmada Moqokori.
War ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid si qorshaysan loo fuliyay, islamarkaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo horay uga firxaday dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga Ceel Hareeri.
“Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka waxay saakay howlgal ballaaran ku qaadeen goobo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab, gaar ahaan duleedka deegaanka Garas-Magan iyo Ceel Hareeri. Waxaana laga saaray goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen,” ayaa lagu yiri bayaan ay dowladda soo saartay.
Saraakiisha horkacaysa howlgallada ayaa warbaahinta u sheegay inay jab xooggan gaarsiiyeen kooxda, isla markaana ay burburiyeen godadkii iyo saldhigyadii ay ku sugnaayeen, kadib markii Al-Shabaab uu kaga adkaaday dagaallo isdaba joog ah oo ka dhacay deegaankaas maalmo ka hor.
Ciidamada huwanta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan gulufka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, si guud ahaan looga xoreeyo gobolka Hiiraan.



