BOOSAASO [SMN] – Dagaal culus ayaa ka dhacay Togga Jeceel, oo ka tirsan buuraha Calmiskaad, iyadoo xalay iyo maanta ay isku dhaceen ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.
Dagaalka ayaa sababay khasaare weyn, iyadoo wararka ay sheegayaan in qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ay ku dhinteen, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen.
Dagaalkan, oo socday in ka badan 24 saacadood, ayaa sidoo kale sababay dhimashada in ka badan 15 askari oo Puntland ah, iyadoo tiro ka badan 50 askari ay ku dhaawacmeen. Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow ciidamada Puntland ayaa VOA-da u sheegay in dagaalku uu ahaa mid aad u xasaasi ah, isla markaana uu ku lug lahaa dagaalyahanno ajaanib ah oo ka tirsan kooxda Daacish.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Puntland, General Maxamed Maxamuud Axmed, ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka. Waxaa uu tilmaamay inay dileen 57 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish, oo ay ku jiraan ajaanib, isla markaasna ay qabsadeen dhul cusub oo muhiim ah.
General Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale qiray in dagaalku uu noqday midkii ugu cuslaa ee dhex maray Puntland iyo Daacish, inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo tirakoobka khasaaraha dhinaca Puntland.
Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka si ay u xakameeyaan halista kooxda Daacish ee ku sugan gobolka, iyagoo ku adkeystay in aysan oggolaan doonin in weerarada argagixiso ay sii socon doonaan.
Dagaalkan ayaa kusoo aaday xilli xaaladda amni ee Puntland ay aad u kacsan tahay, iyadoo ciidamadu ay wajahaan caqabado dhanka argagixisada iyo kooxaha hubaysan ee ka dagaallamaya gobolka.