Dagaal iyo duqeymo culus oo ka dhacay xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud

0

AADAN YABAAL (SMN) – Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka iyo kuwa Ururka Al Shabaab ayaa laga soo warrinayaa inuu ka dhacay degaano ku yaalla xadka kala qeybiya Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

 

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dowladda ay weerar ku qaadeen tuullooyin dhowr oo kaabiga ku haya degaanka Daarul-Nimca oo dhaca xadka labada Gobol, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay qaadeen howlgalka, kadib markii ay heleen xog ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay isku urruursanayeen tuullooyinka Fiiqeey, Ceel la helay, Hereeri Dheere, Lagoow Xassan iyo Bus jiide oo dhamaantood u dhow degaanka Daarul-Nicma.

Waxay sheegeen in ay u suuro-gashay in ay cagta mariyaan saldhigyo dhowr oo Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen goobaha la weeraray.

Dhinaca kale, mid ka mid ah dadka degaanka oo diiday in magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado warbaahinta ayaa innoo sheegay in duqeymo xooggan ay ka dhacayaan nawaaxiga degaanka Daarul-nimca.

Duqeyntan ayuu tilmaamay in lagu ekeeyay goobo ay markii hore gacanta ku hayeen dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Weli lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan iyo duqeymaha laga soo warriyay xadka Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, balse warbaahinta qaranka ayaa baahisay in Al Shabaab khasaaro lagu gaarsiiyay dagaalka iyo duqeymaha ka socda xadka labada Gobol.

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ururka Al Shabaab ay sheegteen in ay la wareegeen gacanta degaanka Daarul-nimca kadib markii halkaasi ay ka fuliyeen weerar is-miidaamina haa, kaasi oo burbur u geystay guryo iyo masjid halkaasi ku yaalla degaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here