BUULO-BURTE (SMN) – Wararka laga helayo Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolkaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qarxay, kadib markii ay Macawiisleyda weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab, taas oo ku taalla agagaarka deegaanka Beera Yabaal oo hoostaga degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi.
Weerarka kadib ayaa waxaa sidoo kale xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo qaatay ku dhawaad saddex saacadood oo xiriir ah.
Mid kamid ah saraakiisha ciidanka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku dhaawaceen 4 kale.
Dhanka kale, waxaa dagaalkan barbar socotay duqeymo ay diyaarado dagaal ka geysteen goobaha lagu dagaalamay, taas oo sii adkeysay xaaladda ka jirta duleedka Buulo-Burte.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.
Si kastaba, Hiiraan ayaa kamid ah meelaha uu sida uu xoogan u socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waana halka uu ka billowday kacdoonka haatan ka socda gobollada dalka.