JOWHAR, Soomaaliya [SMN] – Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda oo kaashanaya Macwiisleyda iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Boos-Hareeri ee hoos taga degmada Aadan-Yabaal, ee gobolka Shabellaha Dhexe, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab weerar ku qaadey deegaanka, oo mudo sanado ah gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda, oo mudooyinkii dambe kordhiyay howlgallada militeri ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Dhanka kale, wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duqeyn ay ka dhacday tuulada Baara-Yabaal oo ku dhaw degmada Buulo-burde, halkaasoo lagu beegsaday Al-Shabaab, iyadoo wali aan la shaacin dalka fuliyay duqeynta iyo khasaaraha.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika [AFRICOM], ayaa shalay sheegay in duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel ku dhaw Ceel-Baraf oo katirsan Shabeellaha Dhexe 1dii bishan, kadib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya oo Ciidamadeeda weerar la kulmay.
Tan iyo markii bisha Ramadan billaabatay, Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada saldhigada ay Ciidamada dowladda maamulaan, iyadoo askar badan ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dagaaladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay.