Dagaal Ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gedo oo Sababay Khasaare

0

BAARDHEERE [SMN] – Dagaal xoogan ayaa saakay ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kadib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay weerareen Xarunta Dowladda Hoose ee Baardheere, halkaasi oo Shalay Jubbaland ay ka saartay raggii taabacsanaa DFS ee muddo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada.

 

Dagaalka, oo ay weerarka qaadeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sababay dhimashada Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Baardheere, Caagane Ilyaas, iyo xubno kale oo ka tirsan DFS.

Sidoo kale, dagaalku wuxuu sababay khasaare kale, waxaana la xaqiijiyay inay jiraan dad shacab ah oo ku dhaawacmay.

Dagaalka ayaa saameyn weyn ku yeeshay nolosha dadka ku nool Baardheere, iyadoo barakac xoogan uu ka socdo gudaha degmada maanta, iyadoo dad badan ay ka cararayaan xiisadda socda.

Xaaladda amni ee degmada ayaa si aad ah u kacsan, waxaana muuqata in dadka deegaanka ay ku dhibaataysan yihiin saameynta dagaalka.

Dhinaca kale, horey Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu fagaalamay degmooyinka Raadkaambooni iyo Doolow, iyagoo isku horfadhiya oo ay dagaallo hore uga dhaceen.

Labada dhinac ayaa weli ku jira xiisad siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo xaalada gobolka Gedo ay sii adkaanayso.

Caagane oo ahaa Madaxii Arimaha Bulshadda Bardheere oo ay dowladda Soo magacawday ayaa ku geeriyooday Dagaalka Socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here