CEEL HAREERI, Soomaaliya – Dagaal culus ayaa maalintii labaad ka socda xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaan tuulada Ceel Hareeri oo u dhexeysa degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya maleeshiyada deegaanka (Macawiisleyda), iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in la isku adeegsanayo hub culus, isla markaana uu dagaalku ka xoog badan yahay kii dhacay shalay. Labada dhinac ayaa helaya gurmadyo xoog leh oo ka kala imaanaya deegaannada ay maamulaan, taasoo sii kordhisay heerk dagaalka.
Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay doonayaan in ay la wareegaan deegaannada isku xira Aadan Yabaal iyo Moqokori, si ay u xoojiyaan awooddooda gobolka, halka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si adag u difaacayaan dhulalka ay gacanta ku hayaan.
Khasaaraha dagaalka ayaa aad u sareeya, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawaca ay gaarayaan ku dhowaad 20 qof, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo deegaanka ah. Lama oga khasaara rasmiga ah ee labada dhinac soo gaaray, maadaama dagaalku wali socdo.
Meesha lagu dagaalamayo ayaa istaraatiiji ahaan muhiim u ah labada dhinac. Al-Shabaab waxay u arkaan Ceel Hareeri meel ay kaga difaaci karaan Aadan Yabaal, isla markaana ay weerarro uga furi karaan dhanka Hiiraan.
Dhanka kale, ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda ayaa u arka in ay tahay marin muhiim ah oo u sahlaya weerarro ka dhan ah fariisimaha Al-Shabaab ee Aadan Yabaal iyo nawaaxigeeda.
Dagaalkan ayaa imanaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku howlan yihiin dib u soo celinta deegaannadii ay horay uga qabsadeen kooxda Al-Shabaab, sida Abooreey iyo tuulooyin kale oo hoostaga maamulka Hirshabelle. Hase yeeshee, kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale kusii siqaya dhul istaraatiiji ah oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
Waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyaa inay la timaado istaraatiijiyad dagaal oo waxtar leh, si looga saaro kooxda Al-Shabaab goobaha ay dib ugu qabsadeen gobolka Hirshabelle.




