Dagaal Xoogan oo ka Qarxay Degmadda Luuq ee Gobalka Gedo

0

LUUQ (SMN) – Dagaal culus ayaa maanta ka qarxay degmadda Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada daga degaanka. Dagaalka ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo rasaas joogto ah iyo hub culus laga maqlayo guud ahaan magaalada.

 

Dhinacyadda dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka kala duwan, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac ay isku dayayaan inay ka adkaadaan midba midka kale. Qasaarooyinka dagaalka ayaa la sheegay in ay ku jiraan dhimasho iyo dhaawac, iyadoo xaaladda dadka dhaawacmay ay tahay mid culus, iyagoo qaarkood loo daad gureeyay isbitaalka weyn ee magaalada Luuq, halka kuwo kalena ay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo ka baxsan magaalada.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ay maqlayaan daryanka rasaasta iyo hubka culus ee labada dhinac ay isku adeegsanayaan. Xaafadaha ay dagaalku ka soconayaan ayaa waxaa ku nool dad shacab ah, oo ku nool xaalado nololeed oo adag. Waxaa la arkay dad shacab ah oo ilmahooda la cararaya goobaha ay ku nool yihiin, iyagoo ka baqaya rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyadda dagaalamaya.

Gurmadyo ayaa ka imaanaya degmooyinka ku xeeran Luuq, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamada dowladda ee degmadaasi ku sugan yihiin ay ku biireen dagaalka, iyagoo la safan jifooyinka ay ka soo kala jeedaan.

Imaam Cabdullahi oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay dagaalka socda, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isagoo sheegay in colaadda aysan sabab u noqon karin xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in shir dib-u-heshiisiin ah uu maanta ku soo xiray Aqalka Martida, isagoo ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay Luuq in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda taagan.

Dagaalkan ayaa muujinaya xaaladda sii xumaaneysa ee ka jirta gobolka Gedo, iyadoo weli aan la helin xal rasmi ah oo suurtogelinaya in si waxtar leh loo joojiyo colaadda soo noqnoqda ee ka dhex jirta beelaha degaanka.

Wali waxaa la filayaa in xaaladda degmadda Luuq ay sii cakiranto ilaa xal rasmi ah laga gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here