Dagaalladii Sabiid iyo Caanoole oo sababay barakac baahsan

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalladii culus iyo duqeymihii dhawaan ka dhacay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sababay barakac baahsan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay boqolaal qoys oo badankood ahaa beeraley ku tiirsanaa noloshooda maalinlaha ah.

 

Shacabkaasi, oo si weyn uga cararay colaadaha, ayaa haatan ku sugan deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku wajahayaan duruufo nololeed oo aad u adag, iyaga oo aan helin gargaar rasmi ah.

Cali Bariiri, oo ka mid ah dadka deegaanka kana soo jeeda Sabiid, isla markaana u ololeeya barakacayaasha, ayaa sheegay in dadkaasi ay wajahaan xaalad bini’aadanimo oo laga naxo, islamarkaana ilaa hadda aysan helin wax gargaar ah oo ka yimid Dowladda Federaalka ama maamulka Koonfur Galbeed.

“Shacabkan waa dad beeraley ahaa, nolol maalmeedkooduna wuxuu ku xirnaa dhulka iyo beerahooda. Maanta waxaa laga barakiciyay deegaannadoodii, waxayna si daran ugu baahan yihiin gargaar degdeg ah oo dhanka cuntada, hoyga iyo caafimaadka ah,” ayuu yiri Cali Bariiri.

Wuxuu sidoo kale xusay in inta badan dagaallada iyo colaadaha dalka ka dhaca ay si toos ah u saameeyaan shacabka ku nool meelaha la isku hayo, taasoo abuurta barakac, saboolnimo iyo xaalad bini’aadanimo oo daran.

Bariiri iyo odayaasha kale ee deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka in ay si degdeg ah u gaaraan barakacayaasha ku sugan Carbiska, si loo yareeyo dhibaatada ay la daalaa dhacayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here