Dajnire Jibriil oo daah-furey xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed

0

NAIROBI [SMN] – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa maanta ka daahfuray Jaamacadda Strathmore gaar ahaan kuliyadda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Xarunta ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SOMINA.

Taabagalinta xarunta Somali Investment Academy (SOMINA), ayaa waxaa iska kaalmeeystay Hay’adda “International Financial Corporation” (IFC) oo kamid ah farac ka tirsan Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda weyne ee Strathmore.

Safiirka Soomaaliya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ku dhiirigaliyay ardeyda barnaamjikaas fursada u heshay inay qayb ka noqdaan inay ka faa’iideystaan waxbarashadaas.

Barnaamijka ayaa ah mid hindise dhaxal gal ah oo ujeedadiisu tahay awood siinta iyo waxbaridda maamulayaasha ganacsiga gaarka ah iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed. Barnaamijkani ma aha koorso keliya ee waa mid rajo galinayo ganacsiga, isla markaana horumar u ah ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya ee kobcaya.

Maadaama ganacsiga Soomaalida uu si xoowli ah ugu fidayo Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika, waa lama huraan in sare loo qaado wacyiga aqooneed ee ganacsatada Soomaaliya si ula taabaqaadaan dhaqanka ganacsi ee ka jira caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here