Muxuu Dalxa ka yiri doorashada laga reebay ee ka dhaceysa Baraawe?

0

BARAAWE (SMN) – Guddiga hirgelinta doorashada heer dawlad gobolleed SEIT Ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaysa 13 kursi oo doorashadooda lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baraawe.

13 kursi ayaa waxaa ku tartami doona 26 murashax oo u taagan in ay ka mid noqdaan baarlamaanka 11-aad ee federaalka.

Kursiga sumadiisu tahay Hop080 ayaa waxa sida ay guddiga shaaciyeen waxaa isu diinwaan geliyey Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil, waxaana sidaas meesha uga baxay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo kursigan ku fadhiyey 15 sano.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in hab-raacii loo baahnaa aaan loo marin tartanka kursigii uu isaga horey ugu fadhiyay.

Sidoo kale axaa uu intaa ku daray in odeyaashii saxda ahaa ee beeshiisa aan talada laga qayb galin isalmarkana ay dad kale howsha wataan.

“Odayaashii sharciga ahaa ee beeshu ay lahayd sida suldaanka iyo nabad doonka guud iyo labadii bulshada rayidka kuwiiba lama aqbalin,” ayuu yiri Prof Dhalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa xusay in ergada kursiga imika dooranaysa ay yihiin kuwa uu soo gudbiyay musharaxa sida uu sheegay “kursiga loo xiray”.

Dalxa ayaa farta ku fiiqay in uu musharax yahay iyo in kale aanba la isla gaarin oo kursigii beehsiisa horey-ba go’aan looga gaaray oo uu jiro “qof gaar ah oo lala doonayay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here