Gaborone – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa, isla markaana ah safiirka aan deggeneyn ee Botswana, Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa magaalada Gaborone kaga qeyb galay munaasabado diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo ay soo qabanqaabisay dowladda Botswana.
Munaasabadahan ayaa waxaa ka qeyb galay safiirrada dalalka caalamka ee dalkaas fadhigoodu yahay, waxaana lagu qabtay kulamo laba geesood ah oo ay safiirradu la yeesheen madaxda sare ee Botswana.
Intii ay socdeen kulamada, Madaxweynaha Botswana Duma Gideon Boko ayaa la kulmay safiirrada caalamka si uu ugala tashado arrimaha xiriirka laba geesoodka ah, xaaladaha gobolka iyo arrimo caalami ah oo dan u ah labada dhinac.
Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Botswana Ndaba Nkosinathi Gaolathe ayaa safiirrada la yeeshay wada-hadal siyaasadeed, isaga oo faahfaahin ka bixiyay qorshaha dowladda ee isbeddelka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Botswana.
Dhanka kale, wasiirro ka tirsan xukuumadda Botswana ayaa iyaguna madasha ka hadlay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Penyo Butale, Wasiirka Caafimaadka Stephen Modise, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Bogolo Kenewendo, iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Hal-abuurka David Tshere.
Wasiirradu waxay safiirrada kala hadleen siyaasadaha dowladda, horumarinta dhaqaalaha, iyo meelaha ay ka jiraan fursadaha maalgashi ee Botswana.
Kulamadan ayaa ujeeddadoodu ahayd xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Botswana iyo dalalka ay safiirradu ka socdaan, iyadoo kulamadaasi ku soo dhammaadeen jawi nabdoon oo saaxiibtinimo.





