Qaahira, Sebteembar 2, 2025 – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Jamciyadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa Talaadadii uga mahadceliyey Jamciyadda Carabta go’aankeeda ay 75% uga cafisay Soomaaliya deynta muddada dheer ku lahayd ururka, isagoo tallaabadaas ku sifeeyey inay tahay “guul taariikhi ah” oo u soo hoyatay Dowladda Federaalka.
Danjire Awaare oo ka hadlayay kalfadhiga 164-aad ee Golaha Wakiillada Joogtada ah ee Jamciyadda Carabta oo ka socda magaalada Qaahira, ayaa muujiyey mahadcelin iyo qaddarin uu u hayo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururka, kuwaas oo taageeray codsiga Soomaaliya ee ku saabsan in laga cafiyo deymo is-biirsaday muddo 38 sano ah.
“Waxaan si qoto dheer ugu mahadcelinayaa Jamciyadda Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah go’aankooda geesinimada leh, oo astaan u ah walaaltinimo iyo garab istaag dhab ah oo la siiyey Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Awaare.
Deyn-cafintan ayaa la xiriirta lacagihii sannadlaha ahaa ee xubinnimada oo aan Soomaaliya bixin muddo dheer, taasoo caqabad ku ahayd ka qaybgalka buuxa ee dalka ee howlaha iyo go’aamada ururka.
Danjiraha ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay dadaallo diblumaasiyadeed oo joogto ah oo ay hirgelisay safaaradda Soomaaliya ee Qaahira, taas oo uu tilmaamay inay ahayd mid si toos ah ugu wajahneyd fulinta hagidda iyo tilmaamaha ka yimid hoggaanka qaranka Soomaaliyeed.
“Guushan ma ahayn mid ku timid si sahal ah. Waxay ka dhalatay dadaal dheer oo siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed oo lagu muujiyey sida Soomaaliya dib ugu soo kabaneyso una doonayso inay door muuqda ka qaadato ururrada gobolka,” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Cafinta deyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u soo celinta doorkeedii buuxay ee ururrada goboleed iyo kuwa caalamiga ah, xilli dalka uu wajahayo xaalado dib-u-dhis, xasilooni darro siyaasadeed iyo dhaqaale adag.
Jamciyadda Carabta, oo ka kooban 22 dal, ayaa sanadihii u dambeeyey taageero kala duwan siineysay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, horumarka iyo xasilloonida siyaasadeed.
Ma jiraan wax faahfaahin dheeri ah oo ay Jamciyadda Carabtu ka bixisay in cafintan ay la socoto taageero maaliyadeed oo dheeraad ah ama isbeddel lagu sameynayo nidaamka ururka ee lacag ururinta xubnaha.




