Danjiraha Soomaaliya ee Southern Afrika oo Ka Qayb Galay Shir Safiirrada Afrika ee Koonfur Afrika

0

Koonfur Afrika – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Southern Afrika, Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen dhammaan safiirrada waddamada Afrika ee fadhigoodu yahay dalka Koonfur Afrika.

 

Intii uu socday shirka, waxaa si rasmi ah looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya xiriirka caalamiga ah iyo wada-shaqeynta dowladaha Afrika, iyadoo diiradda si gaar ah loo saaray xaalado saameyn ku leh amniga iyo xasilloonida gobolka.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrin la xiriirta Israa’iil, oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah u aqoonsatay qaybo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka Soomaaliland. Arrintan ayaa si weyn looga dooday, iyadoo loo arkay mid ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya, Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa shirka ka jeediyay khudbad muhiim ah, isaga oo si cad u sheegay in tallaabo kasta oo lagu faragelinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay mid aan marnaba la aqbali karin, kana soo horjeedda Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in Israa’iil ay isku dayeyso inay u wareejiso dhibaatooyinka Bariga Dhexe dhul Soomaaliyeed, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah amniga gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dhankooda, dhammaan safiirradii kulanka ka qayb galay ayaa muujiyay mowqif mideysan oo ay kaga soo horjeedaan tallaabada ay qaaday Israa’iil, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo midda cir ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay arrin muqaddas ah.

Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku adkaysay mowqifkeeda cad ee ku aaddan ilaalinta midnimadeeda dhuleed, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo go’aamada ku dhisan sharciga caalamiga ah.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here