Cadan, Yemen – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Yemen, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa kulan muhiim ah magaalada Cadan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Yemen, Mudane Muxsen Maxamed Al-Daacari.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyada oo si gaar ah loo eegay iskaashiga dhinacyada amniga, ilaalinta xuduudaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Yemen.
Wasiirka Gaashaandhigga Yemen, Mudane Muxsen Maxamed Al-Daacari, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kulanka, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid qoto dheer oo taariikhi ah.
Wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay in shacabka Yemen aysan marnaba iloobi doonin taageerada joogtada ah iyo mowqifka ay dowladda Soomaaliya mar walba la garab taagan tahay.
Danjire Cabdixakiim ayaa Wasiirka Yemen u gudbiyey salaam uu ka siday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Waxa uu sidoo kale xusay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo garab istaagga dadaallada lagu doonayo horumar, amni iyo xasillooni gobolka ka hanaqaada.
Dhamaadka kulanka, labada masuul waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la sii amba-qaado wada-hadallada iyo iskaashiga laba geesoodka ah, si ay u miro-dhaliso danaha labada shacab ee walaalaha ah.




