Danjire Diene oo la wareegay Xilkiisa Cusub ee Madaxa AUSSOM ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Luulyo 29, 2025 — Danjire El Hadji Ibrahima Boly Diene ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si uu si rasmi ah u billaabo xilkiisa cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

 

Danjire Diene ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka AUSSOM.

Mas’uuliyiinta goobta joogtay waxaa ka mid ahaa Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax), Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Danjire Mouktar Osman Karie, Taliyaha Ciidanka AUSSOM S/Guud Sam Kavuma, Ku Simaha Taliyaha Booliska ACP Samuel Osiedu Okanta, iyo Madaxa Ilaalinta, Xuquuqda Aadanaha iyo Qaybta Jinsiga, Dr. Cumar Calasow.

Kadib imaanshihiisa, Danjire Diene ayaa u gudbay Xarunta Dhexe ee AUSSOM, halkaas oo uu kula kulmay hoggaanka sare ee howlgalka. Intaas kadib, wuxuu sameeyay kormeer rasmi ah oo uu ku eegayay qeybaha kala duwan ee xarumaha hawlgalka.

Xilkan cusub ee Danjire Diene ayaa imaanaya iyadoo AUSSOM ay haatan ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta taageerada amniga, xasillinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay socdaan qorshayaal lagu xoojinayo madax-bannaanida iyo sugidda amniga gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here