Danjire Jabriil oo bandhig wayn ka daah-furay dalka Kenya + Sawirro

0

MOMBASA (SMN) – Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa daahfuray Carwada soo bandhigidda, dabaaldegga dhaqanka iyo ganacsiga Soomaalida, kaas oo lagu qabtay magaalo xeebeedka, Mombasa.

 

Danjiraha Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan maamulka gobolka Mombasa ee dalka Kenya, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qayb galay casho sharaftii lagu daahfurayay Firi Festival laguna qabtay hotelka Blue Sky.

Qabashada Carwada iyo bandhigga ganacsiga Soomaalida ee Firi-Festival waxay ka marag kacaysaa quruxda iyo qaninimada dhaqanka dadka Soomaalida, waxa ay sidoo kale muujinaysaa kaalinta wax ku oolka ah oo ay dadka Soomalida ka qaateen dhismaha iyo horumarka wadamada ku yaala Bariga Afrika.

Bandhiga oo maanta galay maalintiisii labaad ayaa waxaa u soo daawasho iyo ka dukaameysi u tagay goobta bandhiga kumanaan kamida dadka ku dhaqan magalaada Mombasa.

Bandhigaan ayaa ka socda goobta lagu magacaabo, Mama Ngina Waterfront Park ee Magaalada Mombasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here