Danjire Jibriil oo kulan la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga Kenya + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Macdanta ee Kenya, Xasan Cali Joho. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga, iyo macdanta.

 

Intii uu socday kulanka, ayaa la isla gartay in gobolka uu leeyahay mustaqbal ifaya, loona baahan yahay in la dardargeliyo iskaashiga, gaar ahaan marka loo eego dhanka Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo ay Soomaaliya iyo Kenya ay qeyb ka yihiin.

Danjire Jabril ayaa sheegay in haddii Soomaaliya iyo Kenya ay mideeyaan awooddooda, ay furi karaan fursado cusub oo faa’iido u leh bulshada labada dal. Waxa uu intaa ku daray in heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan kalluumeysiga uu meel gabo gabo ah marayo, kaas oo ka mid ah talaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo xiriirka labada waddan iyo sare u qaadista iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Wasiirka Macdanta iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Kenya, Xasan Cali Joho, ayaa dhankiisa xusay in kulanka uu la qaatay Danjire Jabril uu ku soo dhammaaday jawi is-afgarad ah, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay iskaashiga dhinacyada macdanta, kheyraadka biyaha, iyo dhaqaale buluugga ah, si loogu faa’iideeyo guud ahaan gobolka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin labada dhinac ka tirsan, waxaana uu qeyb ka yahay dadaalka uu Danjire Jabril ugu jiro xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo sidoo kale iskaashiga ay ku mideysan yihiin dalalka ku jira Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here