Buuq iyo sawaxan ayaa harreeyay fadhiga maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Madoobe, uu kus adkeystay go’aankii uu eryay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.
Xildhibaano badan ayaa si adag uga horyimid tallaabadaas, iyagoo sheegay in aysan waafaqsanayn nidaamka baarlamaanka, isla markaana ay tahay mid sharci darro ah oo salka ku heysa dano siyaasadeed.
Inkastoo mudaneyaasha baarlamaanka ay ku tilmaameen go’aankaas mid xadgudub ku ah xeer-hoosaadka Baarlamaanka, haddana Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa difaacayay go’aankiisa isagoo ku andacoonaya in xildhibaanku jabiyay sharruucda Golaha.
Kala soco www.Shabellemedia.com wixii ku soo kordha warkan haddii Alla Idmo.



