Dagaal xoogan oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Dagaal u dhaxeexa Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ayaa maanta ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

 

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu dhex marayo ciidamo boolis ah iyo kuwa milari ah, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo rayid ayaa ka dhashay dagaalkan, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobta lagu dagaalamay gaaray saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ku baxay shaqaaqadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here