MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya shilka diyaaradda Halla Airlines oo maanta ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaradda oo ka timid magaalada Garoowe ayaa waxaa saarnaa ugu yaraan 34 ruux oo rakaab ahaa, sida ay ku warrameen ilo wareedyo ku sugan gudaha garoonka.
Shilka diyaaradda ayaa yimid kadib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan taasi oo sababtay in ay ku burburto garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale waxaa shilkan ka dhashay dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dadkii saarnaa diyaaradda, sida aan kasoo xiganay goobjoogayaal.
Dhaq-dhaqaaqa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waqtigan hakad ku jiray, maadaama ay diyaarada ku burburtay dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo maamulka Garoonka diyaaradaha oo ku saabsan shilka ay gashay Halla Airlines.