Galmudug oo toogasho ku fulisay raggii dilay macallinka iyo dhaqtarka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) -: Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay raggii dilay Macalinkii iyo Dhakhtarkii walaalaha ahaa ee horay aanada qabiil loogu dilay gobolkaasi.

 

Toogashada ayaa lagu fuliyay Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan, kuwaas oo horey u dilay Dr Axmed Xasan cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan oo ahaa walaalo.

Raggan ayaa waxaa horey dil toogasho ah ugu soo xuntay Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here