DEG DEG: Is-miidaamin xoogan oo goordhow ka dhacday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) –  Ilaa 4-Qof oo ismiidaamiyaal ah ayaa isku qarxiyey Hoteel Peach Veiw ee xeebta Liido oo caawa ay dad badan ku caweynayeen maadama ay Jimco tahay.

 

Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Waxaa lasoo werinayaa in Hoteelka gudahiisa laga maqlayo rasaas taas oo loo maleynayo in laga dhex dagaalamayo.

Sidoo kale waxaa soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay ayada oo goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya.

Wixii soo kordha kala soco: Shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here