Xildhibaan ka tirsan BF oo loo diiday inuu u safro magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) –  Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ayaa saaka Nabad sugida Garoonka Aadan Cade u diiday in uu u safro Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

 

Xildhibaanka ayaa markii uu garoonka tagay lagu wargeliyay in uusan u socdaali karin Baydhabo.

Xildhibaan Sareedo oo iyaduna kasoo jeeda Koonfur-galbeed ayaa dhawaan sidaan oo Kale looga hor istaagay in ay ka dhoofto garoonka Aadan Cadde.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo la shaaciyey dhawaan in lasoo afjaray khilaafkii Villa Soomaaliya iyo Koonfur-galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here