WISIL (SMN) – Afhayeenka maamulka degmada Wasil ee gobolka Mudug, Maxamed Cabdi Aadan oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda gudaha degmadaas ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoobeen duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda guud ahaan Galmudug, si Al-Shabaab looga xoreeyo maamulkaas.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heegan buuxa ay ku jiraan maamulka iyo dadka deegaanka, si ay uga qayb qaataan guluf dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Maxamed Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dagaalkooda uu ku wajahan yahay deegaanada ay gobolka ka joogaan Al-Shabaab, si looga saaro Mudug oo kamid ah gobollada dhexe ee dalka
Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in la’isku xiro dhammaan degmooyinka iyo deegaanada gobolkaasi.
Dhaq-dhaqaaqyada ka billowday Galmudug ayaa qayb ka ah gulufka ay waddo dowladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan Dhuusamareeb u jooga arrimo la xiriira hagidda wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ee deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.