Deni oo kulamo lagu xoojinayo dagaalka Daacish ka wado Boosaaso

0

BOOSAASO [SMN] – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay qaabilay oo bogaadiyey Guddoomiyaha Degmada Qandala, Axmed Yuusuf Khuurshe, iyo saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee aagga Qandala, kuwaasoo maanta laamaha amniga dowladda u soo wareejiyay Lahoor, oo ka tirsanaa argagixisada Daacish, isla markaana dhawaan isu soo dhiibay Dowladda Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa si weyn u ammaanay Guddoomiyaha iyo saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee aagga Qandala, isagoo ku bogaadiyay doorkooda muhiimka ah ee hawlgalka ciribtirka argagixisada, gaar ahaan howlgallada lagu sifeynayo xubnaha Daacish ee ku dhuumanaya buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga, laguna horumarin lahaa nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, isagoo sheegay in guulaha ka soo ifbaxaya hawlgalada ay qeyb ka yihiin dadaalka xooggan ee Dowladda Puntland ku bixisay ciribtirka kooxaha argagixisada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Qandala iyo saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu baacsanayo argagixisada, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay ku xoojiyan amniga gobolka.

Akhriso war-saxaafadeedka Madaxtooyadda Puntland:

Boosaaso : 05 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa qaabilay oo boggaadiyey Guddoomiyaha Degmada Qandala Axmed Yusuf Khuurshe oo ay weheliyaan Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee Aaga Qandala, kuwaasi caawa laamaha Amniga ee Dowladda kusoo wareejiyay Lahoor oo ka tirsana Argagixisada Daacish oo dhowaan isu soo dhiibay Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha Degmada Qandala iyo Saraakiisha Ciidanka ee aaga Qandala ku amaanay doorkooda Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada oo ay Daacish kaga sifeynayaan buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

– DHAMMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here