GAROWE – Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen guulo la taaban karo oo ka dhan ah kooxda Daacish, kadib howlgallo ballaaran oo ka dhacay buuraha gobolka Bari, gaar ahaan degaanka Cal Miskaad.
Howlgalladan ayaa waxaa si weyn u garab istaagay saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo fuliyay duqeymo cirka ah oo la sheegay inay si toos ah ugu beegsadeen xarumo iyo saldhigyo ay kooxda Daacish ku lahaayeen aaggaasi.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee ay fulinayaan saaxiibada Puntland ay door muhiim ah ka ciyaareen guulaha laga gaaray dagaalka.
Wuxuu xusay in iskaashi joogto ah lala leeyahay saaxiibadaasi uu sare u qaaday awoodda Puntland ee la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ayaa qiray in mararka qaar duqeymahaasi ay sababeen khasaare gaaray dadka rayidka ah ee ku dhow goobaha howlgalladu ka socdaan. Wuxuu sheegay in Puntland ay mas’uuliyad ka saaran tahay gurmadka iyo daryeelka dadka waxyeelladu soo gaarto.
“Howlgallada waxay socdaan iyada oo aan laga leexanayn qorshaha lagu ciribtirayo kooxda Daacish ee gobolka Bari. Laakiin caqabado ayaa weli taagan – gaar ahaan deegaanka buuraleyda ah iyo khatarta ku wajahan shacabka deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Kooxda Daacish ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii ku dhuumaaleysaneysay buuraha gobolka Bari, iyagoo weerarro isdaba joog ah ka fuliyay qeybo kamid ah Puntland.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in kooxda laga saaro guud ahaan gobolka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga deegaannada buuraleyda ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalladu weli socdaan, iyadoo ciidanka Puntland ay sare u qaadeen feejignaantooda, halka diyaaradaha dagaalku ay mararka qaar dul heehaabayaan aagagga lagu tuhunsan yahay in kooxda ay ku dhuumaaleysaneyso.




