MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha DFS ayaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin guddigii doorasho ee uu xalay magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maamulkiisa u jiheeyay doorasho dadban.
Wasaaraddda ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin doorasho kasta oo ay Jubbaland gaar u qabsato, maadaama dhawaan golaha wadatashiga qaranka ay ku heshiiyeen doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.
Sidoo kale waxaa warsaxaafadeed lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe waqtigii ka dhamaaday August 2023-kii.
Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka:-