DF oo beenisay inay xirtay Facebook-yada dadka caanka ee hawada laga saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay in DFS ay ku lug leedahay Facebook-yo ay leeyhiin dad caan ah oo hawada laga saaray.

 

Facebook-yada la xiray ayaa waxaa intooda badan lahaa Wariyeyaal iyo siyaasiyiin si aad ah u dhaliili jiray dowladda Soomaaliya.

Al-Cadaala ayaa beeniyayay eedeymaha loo jeediyay xukuumadda uu ka tirsan yahay, wuxuuna sheegay ay ka go’an tahay dhowrista xorriyadda haddalka.

“Waa waxba kama jiraan in dowladu ay beegsato dadka ka fikirka duwan dowladda ee isticmaala baraha bulshada” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo illaa iyo hadda ay hawada ka maqan yihiin Facebook-yo ay leeyihiin dad caan ah oo si gaar ah loo beegsaday, mana cadda sababta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here