DF oo deeq lacageed ku wareejiyay qoys ay dhibaato kasoo gaartay weerarkii Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran oo kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ayaa deeq lacageed oo gaareysa 20,000 oo dollar waxa ay ku wareejiyeen, Maxamuud Cali Daboole oo Saddex Wiil oo uu dhalay ay waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay weerarkii Shabaab ka fulisay Xeebta Liida billowgii bishii hore.

 

Dhallinyarada oo ahaa aqoonyahanno uu waalidkood ku dadaalay, midkood, ayaa ku geeriyooday weerarka, halka Cabdullaahi Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo ku kala jira da’aadda 20 iyo ilaa 18 sano ay dhaawacyo daran soo gaareen, guddiga ayaana u ballan qaaday adeeg caafimaad oo dibadda ah.

Goobta lacagtaan lagu wareejinaayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Mahamuud Moallim Abdulle, iyo qeybaha kale ee guddiga oo ka kooban Culimo, Ganacsato iyo haweenka Qaranka, waxaana ay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed in ay cawiyaan aabahaan oo wajahaya xaalad adag.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here