DF oo dirtay wafdi uga qayb-galaya wada-hadalka Itoobiya ee ka dhacaya Turkiga

0

ANKARA (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

 

Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa.

Arrimaha laga hadlayo ayaa waxaa ugu muhiimsan xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya a gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here