MUQDISHO (SMN) – Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in Al-Shabaabkii soo weeraray deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee Jubbaland la gaarsiiyay khasaare xooggan.
Al-Cadaala ayaa tilmaamay in guul darro wayn ay la kulmeen xubnaha weerarka soo qaaday, isla markaana dagaalka lagu jabiyay.
“Khawaarijtii saaka soo weerartay goobihii laga xoreeyay ee Jubbada Hoose waxeey la kulantay guul-darro aad u waawayn, Ciidanka Qaranka ee Xoogga iyo Jubbaland waa mahadsanyihiin, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.
Dhankooda saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ayaa sheegay inay laayeen xubno tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay ka furteen hub iyo saanad ciidan.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhawaan deegaanada lagu dagaalamay kala wareegay Al-Shabaab, waxayna isku furee wadada isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.