DF oo sheegtay in Puntland diiday qorshe ay ciidan uga qoran laheyd deegaanadeeda

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

 

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diiday qorshe ay dowladda Soomaaliya ciidamo uga qoran laheyd deegaanadaas, kuwaas oo kamid noqon lahaa Xoogga dalka, sidoo kalena la dagaalami lahaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda Puntland ay siyaasadeeyeen arrimaha ciidamada, maadaama ay Xoogga dalka ka howlgalaan maamullada kale ee dalka.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo soo hadal qaaday tabashada ay qabto Puntland ayaa sheegay in la xallin doono, balse loo baahan yahay in horay loo sii wado horumarka & dowladnimada.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe oo gaartay meeshii ugu xumayd, waxaana hakad galay wada shaqeyntii labada dhinac, maadaama aanu qayb ka ahayn qorshaha dowladda dhexe iyo shirarka golaha wadatashiga qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here