DF oo Turkiga iyo Bangiga Adduunka ugu mahadcelisay taageeradooda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA kaas oo diiradda lagu saaray dardar gelinta shaqada hay’adda iyo dhameeystirka howlaha maalinlaha ah ee waaxyaha kala duwan ee Hay’adda SoDMA.

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si wayn uga mahadceliayay Dowladda Turkiga iyo Bangiga Adduunka oo malmamihii lasoo dhaafay bixinayay tabararro kala duwan oo kor loogu qaadayay aqoonta hawl-wadeennada Hay’adda Maaraynta.

Kulanka joogtada ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here