DF oo xirtay agaasimayaasha 4 isbitaal iyo culeys ka taagan canshuurta iibka

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay xirtay maamullada 4 isbitaal oo waa wayn kuna yaalla magaalada Muqdisho, sababo la xiriira canshuurta iibka ee ay dhowaan soo rogtay.

 

Afarta isbitaal ee maamulladooda la xiray ayaa kala aha Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, kuwaas oo dhowaan soo saaray warsaxaafadeedyo ay uga hadlaan canshuurta iibka iyo in laga dhaafo goobaha dadweynaha, gaar ahaan caafimaadka.

Dhankiisa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadla arrintan, wuxuuna sheegay in saddex maalin ay xirnaayeen agaasimeyaasha isbitaallada, kadibna dadaal dheer oo la galay lasoo daayay.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in isbitaalladii dowladda ee lacagta la’aanta ahaa, gaar ahaan Banaadir iyo Martiini laga dhigay lacag, sida uu ku sheegay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Halkan hoose ka akhriso:-

Dowladdu waxay canshuur ka qaaddaa badeecadaha ka soo dega dekadda iyo garoonka diyaaradaha, goobaha ganacsiga, guryaha iyo gaadiidka, waxay lacag ka qaaddaa adeegyada kale ee dadwaynaha, waxay madaxda dowladdu iibiyaan hantidii shacabku lahaa ee danta guud, dhul iyo dhismayaal.

Canshuurta laga qaado shacabka iyo hantida ummadda ee la iibiyo midkoodna looguma adeego, waxaana caddayn u ah in labadii isbitaal oo weligood adeegga caafimaad ee bilaashka ah bixin jiray (Banaadir iyo Martiini) lacag laga dhigay.

Intaas kuma ay ekaan ee waxaa Saddex maalin xirnaa maamulayaasha isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka.

Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur.

Tani canshuur maaha, dawladnimo maaha ee waa Isbaaro iyo madax furasho, shacabka xusuusinaysa waayihii hoggaamiye kooxeedka.

Dulmiga caynkaan ah oo la diidaa waa dawladnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here