DF oo faah-faahisay howlgallo ka dhacay Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe

0

MUQDISHO (SMN) –  ku dhawaad 19 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

 

Hawlgalka koowaad oo socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta Degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Khawaarijta,  goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Khawaarijta.

Hawlgalka labaad ayaa lagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd cadowga oo ay doonayeen inay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana goobtaasi lagu dilay shan xubnood oo Khawaarij ah.

Sidoo kale fariisinka Ceel Heelle waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo cadowgu kala soo baxsadeen halka uu ka dhacay howlgalka koowaad, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dowladda ay ka go’antahay ciribtirka cadowga Khawaarijta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here