MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda FS ayaa gawaari loogu talagalay baahinta adeegga talaalka ku wareejiyey wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koofur Galbeed.
Gawaaridan oo loogu talagalay in adeegga talaalka lagu gaarsiiyo tuulooyinka iyo magaalooyinka kala fog fog ayaa qeyb ka ah dadaalada wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso sara u qaadista tayada Caafimaadka dalka guud ahaan iyo tan heer maamul goboleedba.
Maxamed Cismaan Xaaji wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Koofur Galbeed iyo agaasimaga guud ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland Xuseen Macalin Cali ayaa kala waraagey Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya labo gaari nooca loo yaqaano Hartopka oo qeyb ka ah qalabka iyo gaadiidka loogu talagaley horumarinta iyo fududaynta adeegga Caafimaadka Hirshabeelle.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.