DF oo gargaar u dirtay magaalo laga xoreeyay Al-Shabaab + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gaadiid sida shixnad gargaar ah waxa ay u dirtay magaalada Mesegawaa ee Gobolka Galgaduud.

 

Gaadiidkaan ayaa sida gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxa ayna gaarayaan 10-gaari oo ah nuuca xamuulka qaada, iyadoo SoDMA mucaawinadan ugu talagashay shacabka ku nool Mesegawaa oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an fulinta awaamiirta Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo ah in goobaha laga saaro Al-Shabaab bulshada ku nool ay gaarsiiso gurmad kasta oo la heli karo, ka fulinta mashaariicyo iyo gaarsiinta deegaannadaas adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here