KISMAAYO (SMN) – Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa guul wayn ka sheegtay howlgal ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan laguna beegsaday Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanada Cag Libaax iyo Orgiyoow , iyada oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkan ay kusoo furtay mooto ay isticmaalayeen xubnaha Al-Shabaab iyo saanad ciidan.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Jubbalnd ayaa howlgal jab lagu gaarsiiyay Khawaaeijta kasameeyay Gobolka Jubbada Hoose.
Dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo degaanka Cag Libaax iyo Orgiyoow oo ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka ayaa dilay maleeshiyaad katirsan Khawaarijta iyagoona kasoo furtay Mootada nooca Sadax lugooleeyda ah oo ay dhaawacyo ku qaadayeen iyo saanad kale oo ciidan.