DF Soomaaliya oo munaasabad ku qabatay Addis Ababa + Ujeedka

0

ADDIS ABABA (SMN) – Iyadoo lagu guda jiro toddobaadka maalmaha xoriyadda Qaranka ayaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo kaashanaysa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, waxay magaalada Addis Ababa ku qabatay munaasabad lagu xusayey 26-ka June oo ku beegan 64-sano guuradii kasoo wareegtay dharaartii geyiga Soomaaliyeed laga taagay calanka Qaranka isla markaana ay gobolada waqooyi ee dalkeenu iska xorrooyeen heeryadii gumaystihii Ingiriiska.

 

Munaasabadan waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis Ababa, masuuliyiinta Jaaliyadda iyo Diplomaasiyiinta kala duwan ee safaaradda oo uu hogaaminayo Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee soo xaadiray munaasabadda xuska 26-ka June ee Addis Ababa lagu qabtay, ayaa dhamaantood sheegay in ay goor walba diyaar u yihiin kobcinta, ka qayb-galka iyo kor u qaadista maalmaha xoriyadda Qaranka.

“Maanta oo kale 64-sano kahor, waa maalinkii laga gun gaaray dedaalkii iyo dagaalkii ay umaddeenu u gashay sidii ay isaga xorayn lahayd gumays tayaashii kala duwanaa ee dalkeena ku habsaday” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, waxa ay si mug weyn uga shaqaysay xiriirka kala dhexeeya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, waxayna u diyaarsan tahay fulinta hawlaha Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here