QAYCAD (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyay howlgal culus oo maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.
Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Qaycad ee gobolkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay deegaankaas lagu dilay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena la burburiyay xarumo ay ku lahaayeen halkaasi.
Halkan hoose ka akhriso:-