DF Soomaaliya oo sheegtay in howlgal ay ku dishay 100 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

JOWHAR (SMN) – Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay sohdinta gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan khasaaro xoog leh loogu gaystay  Al-Shabaab, sida uu shaaciyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa  sheegay in hawlgalkan Al-Shabaab looga dilay illaa 100 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil Ssar sare, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ku dhawaad 10 gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD, iyo afar Cabdi bille oo ay saarnaayeen xoogaga Shabaab lagu bur-buriyay howlgalkan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegagtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud oo ay howlgallo ka wadaan ciidamada Xoogga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here