MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.
Fiqi ayaa tilmaamay in saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda iyo Booliska lagu helay falkaas, isla-markaana ay u goosteen dhanka Al-Shabaab.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay inay jiraan saraakiil kale oo ka tirsan milatariga oo lasoo qabtay, kadibna dil lagu xukumay ka gadaal markii lagu helay inay la shaqeynayeen Al-Shabaab.
Ciidanka Nabad Sugidda kuwo ku jiray oo saraakiil ah ayaa fakaday booliska kuwa ku jiray ayaa fakaday, milatariyaa kuwa saraakiil ah inta lasoo qabtay la toogtay waa maqleysiin guddoomiyihii baarlamaanka darawalkiisii hadde dal waxaan ku dhex jirnay la’is dhex galayba” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay inuu u baxsaday dhanka Al-Shabaab, kaas oo sidoo kale ahaa Macallin Jaamacadeed.
“Nageeye haduusan na dhihin waa idiin gabyaa uusan isku keena qarxinin waa ilaahay Mahadiis, Waa la kala soocmay hadii laysku dhex jiray” ayuu markale yiri wasiirku.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, waxaana dalka ka soconayo howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda