DF Soomaaliya oo soo saartay amar ka dhan ah gaadiidka Taargo la’aanta ah

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Bashiir Macalin Cali oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa amar culus kasoo saaray gaadiidka taargo la’aanta ah ee lagu arko magaalada Muqdisho.

 

Bashiir ayaa sheegay in gaadiidkaas ay buuxaan gudaha caasimadda, isla-markaana ay halis ku yihiin amniga gobolka Banaadir.

Agaasimaha ayaa sidoo kale amray ciidanka Taraafikada inay beegsadaan baabuurtaasi, kadibna ay soo qab-qabtaan, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii dambe ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlgallada ka socda Muqdisho, ayada oo baraha koontarool si gaar ah loogu baaro gaadiidka raaxada, si loo hubiyo, loolana socda dhaq-dhaqaaqooda, taas oo qayb ka ah qorsha sugidda ee amniga caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here