DF Soomaaliya oo tababar u dirtay saraakiil ka tirsan Booliska + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa sagootin rasmi ah u sameeyay leyli-saraakiisha oo muddo sanad ah tababar ugu maqnaa dalka Masar.

 

Saraakiishan, oo dalka dib ugu soo laabtay si ay daraasado la xiriira waxbarashadooda u sameeyaan, ayaa hadda mar kale dib ugu laabanaya Masar si ay u sii wataan tababarkooda.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay inay si hufan uga faa’iideystaan tababarka inta mudada u harsan. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay si guul leh ku dhammaystaan tababarkooda, si ay ugu adeegaan Qaranka Soomaaliyeed iyagoo xirfad iyo aqoon sare leh.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here