DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xakameynta hubka ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhiga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda federaalka ay mas’uul ka noqon doono hubka lasoo gelinayo dalka, maadaama dhawaan uun la qaaday cunaqabeteynta hubka, si looga hortego in cid kale uu u gacan galo hubkaasi.

 

Jaamac ayaa tilmaamay in dowlad goboleedyada ka jira marka ay soo iibsanayaan hubka waa weyn ay soo mari doonaan dowladda dhexe, gaar ahaan Wasaaradda Gaadhaandigga.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in lala socda dhaq-dhaqaaqa guud iyo dhammaan hubka soo galayo gudaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa dadaallo ay sameysay kadib ku guuleysatay in laga qaado xyiraadda hubka muddo ka badan 30 sano ah k, taas oo muhiim u ah dagaalka Shabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here